Johannesburg
Johannesburg, Koonfur Afrika, SUNCASA waxay fulin doontaa dib-u-habeynta degaanka wabiga Upper Jukskei, iyada oo hoos loo dhigi doono fatahaadaha, la hagaajin doono maareynta kuleylka magaalooyinka, lana xoojin doono amniga biyaha, iyado tageero laga heeli doono bulshada, taasola ballaarin doono aagga cagaaran, lana ilaalin doono noolaha kala duwan. Xalka dabiiciga ah ee ka jawaabaya baahiyaha jinsiga (NbS) ayaa uga faa’iideyn doona 1.045 milyan oo qof, waxaana lagu abuuri doonaa qiyaastii 1,000 oo shaqo cagaaran, kuwaas oo badankood loo abuurayo kooxaha danyarta ah.
Johannesburg, noocyada xayawaanka eek u nool iyo dhirta qalaad ee kusoo wareegay nidaamka wabiyada waxay halis gelinayaan amniga biyaha ee magaalada, waxay kordhinayaan khatarta fatahaadda, waxayna saameyn ku yeeshaan noolaha deegaanka. Bulshooyinka ku nool hareeraha Jukskei waxay sidoo kale wajahaan kuleylka sii kordhaya iyo saameynta kuleylka ee magaalooyinka, gaar ahaan meelaha saboolka ah ee aan lahayn awood ku filan oo la qabsasho.
Goobta wabiga Jukskei waxay ka kooban tahay degaan si aad u xooggan loo dhisay oo ay ku jiraan guryo rasmi ah iyo kuwa aan rasmi ahayn, meelaha beeraha, iyo xarumaha ganacsiga. Deegaanada aan rasmi ahayn ee ku dhex yaal aaggan ayaa si gaar ah ugu nugul saameynta fatahaadaha—burburka kaabayaasha, khasaaraha badeecadaha, iyo khataraha caafimaadka ee dhacda marka fatahaaduhu dhacaan.
Iyadoo lala shaqeynayo la-hawlgalayaasha maxalliga ah, SUNCASA waxay mudnaan siin doontaa ka saarista noocyada qalaad ee biyaha magaalada xannibaya, dib-u-soo nooleynta wabiga, maareynta kuleylka magaalooyinka, iyo xoojinta amniga biyaha. Intaa waxaa dheer, hawlaha waxaa lagu diiradda saari doonaa ballaarinta meelaha cagaaran iyada oo loo marayo beerista geedaha iyo hawlaha beeraha si loo kordhiyo dhirta deegaanka.
Hawlaha NbS ee Qabsashada Webiga Jukskei
